Hawlgalka cusub ee (AUSSOM) ayaa bedalaya kuwa ATMIS ee dalka ka baxaya dhamaadka 2024.
African Union Support & Stabilization Mission in Somalia ayaa ah mid dowlada Soomaaliya ka caawinaya sugida amniga caasimadda.Dalalka Masar iyo Jabuuti ayaa noqday kuwii ugu horeeyey ee sheegay inay kamid noqon doonaan hawlgalka cusub.
Ciidamadan (AUSSOM) ayaa la wareegi doona hawlaha ay hada qabtaan ATMIS ee goobaha muhiimka ah ee magaalada Muqdisho.
Dowlada Federaalka Soomaaliya ayaa sheegtay inay ka fiirsaneyso in ay dalka ka saarto ciidamada Itoobiya ee kamid ah ATMIS.
Qorshaha ayaa ah in ciidamadan Masar ay bedalaan kuwa Itoobiya ee hada kamid ah ATMIS.
Xiriirka Soomaaliya iyo Itoobiya ayaa sii xumaanayey tan iyo bilowgii sanadkan kadib heshiiskii Addis Ababa la saxiixatay xukuumada Muuse Biixi ee Somaliland.
Masar oo horey taageero ugu muujisay Dowlada Federaalka Soomaaliya ayaa sheegtay in madax-banaanida Soomaaliya ay tahay lama taabtaan.
Itoobiya iyo Masar ayey laftood ka dhaxeysaa xiisada salka ku heysa biyaha wabiga Nile.
0 Comments