Ticker

6/recent/ticker-posts

Waa kuma Sheegow, ninka ay dowladdu soo xirtay

 


Dagaal culus oo u dhaxeeyay booliiska iyo maleeshiyo uu hoggaaminayay sarkaal hore ayaa xalay ka dhacay magaalada Muqdisho.


Booliiska ayaa sheegay in maleeshiyadan ay dadka rayidka ah ku dhacayeen magaalada.

Dagaalka oo qarxay xalay saqdii dhexe ayaa socday ilaa saakay, waxaana ku dhintay hal sarkala iyo labo ka tirsanaa maleeshiyada oo uu hoggaaminayay Sheegow Axmed Cali.

Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa ku dhawaaqay howlgal lagu hagaajinayo amniga caasimadda.

Xaaladda ayaa hataan deggan kadib markii ciidamada dowladda ay gacanta kusoo dhigeen hoggaamiyihii ciidankaaasi sida ay sheegeen laamaha ammaanka ee gobolka Banaadir, waxaana jira khasaare soo gaaray labada dhinac ee uu dagaalku dhex maray.

Muddo sanado ah waddooyinka magaalada Muqdisho waxaa dhoobnaan jiray rag aad u hubeysan - badankood kama mid ahayn ciidamada Soomaaliya amaba booliiska.

Dhawaqa rasaastu wuxuu ahaa mid caadi ah mararka qaarna rayidka ayaa ku dhiman jiray markii rasaas loo rido si loo kala yareeyo ciriiriga waddooyinka.

Balse arrimaha ayaa haatan is beddelaya. Madxaweynaha ayaa mamnuucay in hub culus lagu dhex wato waddooyinka wuxuuna doonayaa in la hagaajiyo amniga.

Haddaba waa kuma Sheegow?
Baraha bulshada ee Soomaalida ayaa si weyn looga hadal hayaa Sheegow Axmed Cali oo ah ninka ay ciidamadiisu foodda is dareen ciidamada ka tirsan dowladda federaalka ah ee Soomaaliya, iyadoo dad qaar ay rumeysanyihiin in qudhiisu uu ka tirsanyahay ciidamada dowladda.

Haddaba si aan wax badan uga ogaanno xaqiiqada darajada Sheegow iyo kamid ahaanshaha dowladda ee lagu tumayo ayaan qadka taleefanka kula xiriirnay, Afhayeenka ciidanka Booliiska, Saddiiq Aadan Cali Doodishe iyo Korneyl Cabdullaahi Cali Macow oo ah nin muddo badan lasoo shaqeeyay ciidamada dowladda isla markaana ka faallooda arrimaha ciidamada.

Doodishe oo aan ka weydiinnay in uu iftiimo darajada Janaraalka ee Sheegow ayaa yiri “Sheegow waxa uu horraan ka tirsanaa ciidamada dowladda waxa uuna haystay darajada Kabtanka [Captain], ma ahayn Janaraal balse waxa uu xiran jiray dareyska Janaraalnimo”.

Afhayeenka oo hadalkiisa sii wata ayaa yiri “Dowladda Soomaaliya ayaa goor sii horreysay baaritaan ku sameysay ninkan, waxana la ogaaday in uu markaasi dowladda ugu diiwaan gashanaa darajada kabtan-nimo, iyadoo ugu dambeyn guud ahaanba ciidamada dowladda laga saaray”.

Sheegow ayaa haatan haysta ciidamo dhowr ah oo aan kamid ahayn ciidamada dowladda balse isaga ka amar qaata, iyadoo ciidamadiisa ay haatan dhaliyeen dagaalkan sida la sheegay kaddib markii ay dhac u geysteen shacabka degmada taasina ay keentay in ciidamada amniga ee muqdisho ay soo daba galaan dagaalkana halkaasi uu ka qarxo.

Korneyl Cabdullaahi Cali Macow oo ah nin muddo badan lasoo shaqeeyay ciidamada dowladda ayaa sharraxaya halka uu markiisi hore Sheegow kagasoo biiray ciidamada dowladda, isagoo yiri “Sheegow waxa uu kasoo baxday kooxda Al-shabaab sanadkii 2014-kii isagoo xilligaasi ku sugnaa Shabeellaha hoose dhinaca Janaale iyo Bariirre, halkaas oo u qaabilsanaa kooxdaasi aruurinta lacagaha, waxaa la sheegaa in ay isku dheceen isaga iyo hoggaamiyaashii Shabaab ee halkaasi, taasi oo keentay in uu kasoo baxsado isla markaana iskusoo dhiibo dowladda”.

Korneyl Macow oo hadalkiisa sii wata ayaa yiri “Sheegow waxa uu sidaasi uga mid noqday ciidamada millitariga isaga oo la siiyay darajada Kabtanka, mana jiro ogaanteyda ciidan uu xukumo oo uu taliye u yahay” ayuu yiri Korneyl Macow.

Korneyl Macow ayaa sidoo kale xusay darajada Sheegow isagoo yiri “Sheegow ma ahan Janaraal ka diiwan gashay dowladda ee isaga ayaa xirtay waana sababta ay dadku ugu wareersanyihiin darajiisa oo muran badan dhalisay”.

Bishii September, sanadkii 2017 wuxuu Sheegow Axmed Cali, maamulayay saldhigga deegaanka Bariirre ee gobolka Shabeellaha Hoose oo ay xilligaasi weerareen kooxda al-Shabaab.

Weerarkaas waxaa ku dhintay ilaa 18 ka mid ah al-Shabaab, sida uu markaasi u sheegay BBC-da.

Xogaha qaar ee aan helnay waxa ay sidoo kale sheegayaan inuu kamid ahaa kooxdii Badbaado Qaran ee diiddaneyd hoggaaminta madaxweynihii hore ee dalka Maxamed Cabdullahi Farmaajo.

Afhayeenka Booliiska Saddiiq Aadan Cali Doodishe ayaa waxa uu sheegay in sarkaalkaan oo aan katirsanayn ciidamada dowladda uu haatan madax u yahay maleyshiyaad dhac ka geysata degmada Dharkaynley.

Wuxuu sheegay markii ciidamadu isku dayeen inay u yimaadaan uu dagaal kala horyimid, taasoo uu sheegay inay tahay sababtay howlgal qaatay saacado badan oo lagusoo qabtay isaga iyo 25 kamid ah ciidamadiisa.

Saddiiq Doodishe wuxuu sheegay inta howlgalka uu socday inay ku geeriyoodeen labo kamid ah maleyshiyaadkii u dagaalamayay sarkaalka, hal askari oo katirsan ciidanka booliiska iyo dhaawaca afar kale oo labada dhinac ah.

Dhanka kale qaar kamida xildhibaanada iyo odayaasha beesha uu kasoo jeedo Kabtan Sheegow Axmed Cali ayaa cambaareeyay falka lagusoo xiray.

Post a Comment

0 Comments