Ticker

Qaabkii ay ciidamada Hiil Hart ula wareegeen xerada Goojacadde

 


Jamhuuriyada iskeed-madaxbanaanida ugu dhawaqday ee Somaliland ayaa sheegtay in ciidanka Soomaliland ay wadaan diyaargarow ay dib uga ala wareegayaaan fariisimihii ay ku lahaayeen Sool oo ay uga soo baxeen istiraatiijiyad ciidan awgeed, sida ay sheegeen.


War qoraal ah oo ka soo baxay Wasaaradda Gaashaandhiga Soomaliland ayaa lagu yiri, “Ciidanka Qaranku waxay ku jiraan dib-isku-habayn iyo diyaargaroow culus oo cadowga lagaga hortagayo.”

Somaliland ayaa sidoo kale sheegtay in ay jiraan ciidamo ka lumay waddooyinkii loogu tala galay welina aan soo gaarin goobihi loogu talagalay.

Sidee ku galeen ciidamada SSC xerada Goojacade?

Salaada subax horteed ayaa ciidmada SSC rasaas ka dhex bilaabeen ciidamada Somaliland ee ku sugnaa aagga Maraaga oo magaalada laascaanood dhinaca bari ka xigta, wadada isku xirta Garoowe iyo Laascaanood.

Sida uu ii sheegay sarkaal ka tirsan ciidanka goobta galay oo codsaday inaan magiciisa la shaacin waxaa uu sheegay in qaab xeeladaysan ay ciidanka halkaas ku sugnaa ula dagaalameen.

"Waxay haleeli waayeen in ay fuulaan gaadiidka qoryuhu saaran yihiin, mid waliba halkii ku beegnayd ayuu u dhaqaaqay" ayuu yiri isagoo intaas ku daray in wax ka yar 45 daqiiqo ay kula wareegeen goobtaasi.

Goobtan oo ah halka laga illaaliyo Goojacade oo ah taliska guud ee ciidamada Somaliland oo halkaasi u jira wax ka yar 2KM.

waxaa uu dagaalka goojacade u gudbay markii ay saacadu ahayd 8:45 daqiiqo xilliga Soomaaliya, halkaasi oo ay islamarkiiba la wareegeen.

Saraakiisha SSC ayaa waxay sheegeen in aysan marnaba ku riyoon in ay si fudud ula wareegi doonaan saldhigga Goojacade oo muddo dhowr bilood ah ay gaari waayeen.

Wixii xiligaa ka dambeeyay waxaa abuurmay jahwareer xooggan waxayna ciidamada Somaliland u kala carareen jihooyiin kala duwan.

"Waxaa laga qabsaday Maraaga, Goojacade, Dhuxun, Xargega, Golayeedhay, Canjiid, Adhicadeeye, Samakaab, Yagoori, Wadhake iyo Guumays oo dhamaantood ay saldhiyo ciidan ku lahaayeen" sidaa waxa noo sheegay Cabdilqaadir Abshir Xaaji Diireye oo ka mid ah Golaha 45ta ah ee SSC.

Cabdilqaadir waxa uu sheegay in ay gacanta ku dhigeen gaadiid dagaal oo ay ka mid yihiin madaafiic, PM21, Kaarayaal, Beebeeyall iyo kuwa lidka diyaaradaha. Balse sheegashadaas BBC ma xaqiijin karto.

Ciidamada deegaanka ayaa sidoo kale gacanta ku dhigay maxaabiis qaarkood ay dhaawac yihiin, waxayna sarakiisha sheegeen in si wanaagsan loola dhaqmi doono.

Cabdilqaadir Abshir Xaaji Diiriye waxuu cadeeyey in maxaabiista la qabtay uu ka mid yahay Janaraal Faysal Cabdi Bootaan oo ka mid ah saraakiisha sarsare ee hogaaminaysay howlgalada Somaliland ee Laascaanood. Tirada maxaabiista ayuu sheegay in ay dib ka soo sheegi doonaan ayna xuquuqda ilaalin doonaan, kuwa dhaawac ahna ay daweynayaan.

"Waxaa hada noo muuqata Oog, ma jirto wax naga hortaagan ma doonayno inaan dadka shacabka aan qixino oo madaafiic la dhacno" ayuu yiri Firdhiye isagoo ciidanka ku amray in ammaanka xadkooda ay sugaan oo magaalooyinka ka soo baxaan.

Magaalada Laascaanood oo mudo 8 bilood ah bulshadii ku noolayd ay barakac ku yihiin degaano kala duwan ayaa isla galabta laga dareemayaa gaadiid badan oo ku soo qulqulaya iyadoo cabsi xoogleh ay ka taagan tahay kumanaan qumucyo ah oo aan qarxin oo dhulka ku duugan.

Maxay tahay Xerada Goojacadde?
Xerada Goojacade waxay badhtama magaalada Laascaanood u jirtaa 8 km, iyadoo kaga aaddan jihada waqooyi bari, inkasta oo haatan dhismayaal teelteel ahi ay gaadheen aaggaas.

Warshadda biyaha sifaysa ee Nugaal iyo ta kale ee Saafi ayaa ka mid ah dhismayaasha deriska la noqday Goojacadde kuwaas oo gebi ahaanba iminka hawlgab ah.

Xeradaas waxay ahaan jirtay halkii magaalada Laascaanood ay biyaha ka heli jirtay, waxaana xilliyo kala duwan laga qoday ceelal riigag ah xilligii dawladdii kacaanka.

Waxaa xiligaas ka samaysmay beero badan oo ay samaysteen dadkii wakhtigaas ugu ladnaa bulshada ku dhaqnayd Laascaanood oo ahayd mid kooban, waxaana sida la sheegay ay ka kaafisay khudaarta iyo qaybo ka mid ah geed midhoodka sida saytuunka iyo liinta.

Sanadkii 1993dii ayaa markale hay'adda arrimaha bani'aadannimada ee caafimaadka ka shaqeysa ee MSF ay dib u habayn ku samaysay ceelashii, qaar cusubna ka qoday, iyadoo biyogelin ku samaysay magaalada Laascaanood oo burburkii xukuumadda uu raacay biyagelinteedii.

Arrintaas ma noqon mid sii shaqaysa oo iyana mar kale ayay ka dabatagtay tii hore.Taariikhdu markii ay ahayd 15 Oktoobar 2007dii ayay ciidamada Somaliland ka saareen magaalada Laascaanood kuwii Puntland, mana aysan soo gelin magaalada ee waxa ay ka wareegeen jihada waqooyi iyagoo laba goobood fadhiisin ka dhigtay, kuwaas oo kala ahaa Goojacade iyo Maraaga oo waddada Garoowe aadda ay marto.

Post a Comment

0 Comments