Fal dad badan ay ka argagaxeen ayaa xalay saqdii dhexe ka dhacay deegaan miyi ah oo ku yaalla xadka ay wadaagaan gobolka Galguud ee Soomaaliya iyo dowlad-deegaanka Soomaalida Itoobiya.
Falkan ayaa waxa lagu dilay shan carruur ah, kuwo kalana lagu dhaawacay, sida ay dadka deegaanka sheegeen.
Xilliga uu falku dhacayay ayaa wararku sheegayaan in carruurtu ay jiifeen dugsi qur'aan ay dhiganayeen. Dadka deegaanka ayaa dhacdadaan ku eedeyay meleeshiyaad ka soo jeeda deegaanno ka tirsan Galmudug oo xadka ka soo tallaabay.
Maxamed Daahir Muuse, oo kamid ah waalidiinta carruurta la laayay ayaa BBC ayaa sheegay in dhacdadani ay ahayd mid aad u foolxun oo ay dadka la yaabeen.
"Xalay saqdii dhexe ayaa waxaa ka dhacay shil aad iyo aad u foolxun oo xaquuqul insaan iyo bina'aadanimadaba ka baxsan, waxaa shilkaasi lagu dilay 5 caruur ah oo yaryar ah oo ah arday dugsi quraan ah dhiganayay" ayuu yiri Mr Maxamed.
Maxamed Daahir Muuse ayaa xusay in dhacdadan ay ka dhacday labo tuulo oo ku taalla dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya.
"Waxay ka dhacday labo qabale oo lagu kala magacaabo Furunta-foore iyo Qorof dhexdooda dowlad deegaanka degmada Gallaadi ee gobolka Doollo, halkaa dadka ku dhintay-na waa ilaa 5 ilmood," ayuu intaa ku daray.
Caruurta la laayay ayay da'dooda u dhaxeysay ilaa 7-14 jir. "Shanta ilmood midka u wayn waa 14 jir, 12 jir, 13 jir ilaa 7 jir iyo 8 jir-na ay ku jiraan," ayuu yiri.
Wararka ayaa sidoo kale sheegaya in ilaa iyo imika la la'yahay dhowr ilmood oo loo maleynayo in ay afduubteen kooxdii falka geystay, halka kuwa kale ay dhaawac yihiin.
"Qaar ka mid ah caruurta waa la la'yahay oo waa la afduubtay ilaa asacadan gacan laguma hayo, qaar badana waa dhaawac oo waxa lagu hayaa deegaanka Dhabad oo la soo gaarsiiyay," ayuu yiri Maxamed Daahir Muuse, oo ka mid ah waalidiinta carruurta la laayay.
Maxamed ayaa BBC u sheegay in dadka falka geystay ay rumeysan yihin in ay ka soo tallaabeen xadka Soomaaliya ayna ka danbeeyaan dad doonaya in ay qab'aailka iska horkeenaan.
"Waxaa falkan geysanaya dadyow ka yimid deegaanada aanu dariska nahay dhinacaan Galmudug, waa falal sida aanu tuhunsanahay, dadka deegaanakana ay sheegayaan, ay ku lug leeyihiin argagixiso oo la doonayo qabaa'ilka in la isku dhufto maadaama guluf colaadeed uu Galmudug ka socdo," ayuu intaa ku daray.
Maxamed Daahir Muuse, ayaa farta ku fiiqay in falalkan ay yihiin kuwo ku cusub deegaankan, islamarkaana aysan horey u dhici jirin in carruur al laayo.
"Dadkan muddo dheer ayay colaad ka dhaxeysay, falalkanna ma aha kuwii hore u dhici jiray, haddana ma jirin aano qabiil, dadkan waa birima'geydo. Ilmihii yaryaraa ee dugsigoodii quraanka ayagoo jiifa oo meel walba loogu imaan jiray oo la dulmari jiray ayaan la dili jirin" ayuu yiri Mr Maxamed.
Muxuu dhaqanka Soomaalidu ka qabaa dilka maatada, xilliyada dagaalka?
Haddaba dadka Soomaalidu dhaqamada ay leeyihiin waxaa ka mid ah in dadka biri-maygadada ah aan lagu xadgdbin haddii ay dhacadana waxaa jira xeerar la mariyo iyo tillaabooyin laga qaado cidda xagdubkaas sameysa.
Ugaas Bashiir Mukhtaar waa mid ka mid oday dhaqameedyada Soomaalida waana ugaaska mid ah ka mid ah beelaha Soomaalida ee dalka kenya waxaa uu BBC u sharaxay waxa dhaqanka Soomaalida uu ka qabo dilka carruur yaryar.
Ugaaska ayaa xusay in ay mamnuuc ahayd in dadka maatada ah sida caruurta la laayo xilliyada ay jiraan colaadaha iyo dirirta qabaa'ilada.
"Soomaalida caado uma aha in caruur la dilo ama la afduubto ama la dhibaateeyo, xadgudubkaas soomaalida wax dhaqan ahaan u yaalla ma aha, sharciga islaamkana waa lagu sheegay dhaqanna uma aha, dhibka markuu jiro caruurta ka mid ma aha dadka uu ka dhacayo, xitaa dumarka kuma jiraan," ayuu Ugaas Bashiir.
Ugaas Bashiir Mukhtaar ayaa farta ku fiiqay in dhaqanka Soomaalida marka laba beel uu dagaal dhexmaro ay labada dhinacba ilaalin jireen xquuqda dadka nugul sida caruurta, dumarka.
"Dhaqanka waxaa uu ahaan jiray xilliga uu dhibka jiro amaba labo qolo uu dgaal u dhaxeeyo caruurta ama haweenka, hadba ninka ay gacantooda galaan inay badbaadiyaan waaye, laakiin waa mamnuuc dhaqanna kuma jiro caruurta iyo haweenka dadka daciifka ah in lagu xadgudbo, dhaqan Soomaali ma aha" ayuu yiri Ugaas Bashiir .
Ugaas Bashiir Mukhtaar oo aan wax ka waydiinay wixii laga yeeli jiray dhaqanka Soomaalida cidda ku xadgudubta caruurta. Wuxuu sheegay in dagaalka ka dib xaajo loo fariisan jiray oo go'aan laga gaari jiray.
"Waa tallaabo loo fariisanayo oo caruurtaas lagu xadgudbay wixii dadkaas lagu ciqaabi lahaa in looga tashto, waana waxyaabo iska fara badan dhaqan iyo xeer ahaan ayaa loo noqonayaa".
Dhanka kale marka la eego xeerarka caalamiga ah ee dagaalka waxaa mamnuuc ah in la dhibaateeyo caruurta iyo dadka kale ee rayidka ah.
0 Comments