Ticker

6/recent/ticker-posts

Putin oo si adag uga hadlay kitaabka quraanka ee la gubay



Salwan Momika oo la sheegay inuu yahay nin ka soo jeeda Ciraaq oo ku nool Sweden ayaa kitaabka qur’aanka ku gubay Arbacadii magaalada Stockholm.

Rabshado ka dhashay falkiisa ayaa sababay in la xiro dad ka badan 40 qof ka dib markii ay isku dhaceen ciidamada booliska Sweden iyo dibadbaxayaal careysan.

Salwan Momika waa 37 jir qaxooti ku ah Sweden oo si cad uga soo horjeeda diinta Islaamka iskuna tilmaama inuusan diin haysan.

Muxuu ka yiri Putin kitaabka qur’aanka.

Madaxweynaha Ruushka, Vladimir Putin ayaa cambaareeyay falkii ka dhacay Sweden ee lagu gubay nuqul kamid ah kitaabka quraanka.

Waxaa la baahiyay muuqaal muujinaya Madaxweynaha Ruushka oo aad u amaanaya kitaabka quraanka

“Dalkeena waa dambi marka la eego dastuurka” ayuu yiri madaxweyne Putin. Xildhibaanada dalka ayaa khamiistii iyagana cambaareeyay gubista kitaabka Qur’aanka.

“Muslimiinta muqaddas ayuu u yahay Qur’aanka, inta kale waa inay sidaas u arkaan, waan ognahay in dalalku kala duwan yihiin, ma tixgeliyaan dareenka diimeed ee dadka, waxayna dhahaan taasi dambi ma ahan” ayuu yiri Putin oo kitaabka Qur’aanka gacanta ku haya.

Dalalka cambaareeyay gubistka kitaabka qur’aanka

Ruushka Turkiga, iyo dunida Muslimka ayaa si weyn looga cambaareeyay falka lagu gubay kitaabka Qur’aanka.

Sidoo kale dowlada Sweden way ka hadashay gubista kitaabka Qur’aanka. Ra’iisul wasaarahooda, Ulf Kristersson, wuxuu sheegay gubista kitaabka Qur’aanka ma ahan sharcidarro balse ma habooneyn.

Dadweyne aad u badan ayaa caalamka dibadbaxyo ka dhigay oo ay uga horjeedaan falka Salwan Momika.

Maxay u dhintay rajada Sweden ee NATO?

Turkiga ayaa ku tilmaamay gubista kitaabka Qur’aanka fal aad u fool xun. Waxay sheegeen in go’aanka dowladda Sweden ku ogolaatay in kitaabka la gubo ay tahay ‘wax aan la aqbalikarin’.

Arintan waxay kusoo beegantay iyadoo labada dal ay dhextaagan tahay xiisad siyaasadeed.

Turkiga oo hore Sweden uga dalbaday inay joojiyaan dibadbaxa ayaa mar sii hore u joojiyay booqasho uu wasiirka difaca, Pal Jonson Sweden, ku imaan lahaa dalkooda. Waxay ku sheegeen in meesha ay ka baxday ahmiyadda iyo macnaha uu safarkaasi lahaa.

Waxaa la rajeynayay in safarkaas uu meesha ka saaro diidmada Ankara ee ah in Sweden ay isbahaysiga NATO ku biirto.

Gubista kitaabka qur’aanka dalalka reer galbeedka.
Inta badan dadka guba kitaabka Qur’aanka waxay adeegsadaan sharciyada xoriyatul-qowlka.

Nidaamka ka jira dalalka reer galbeedka ayaan xakameyneyn xaqa ay dadka u leeyihiin inay dibadbaxaan xitaa hadalkoodu naceyb ka buuxo.

Rasmus Paludan oo ah siyaasi ka tirsan xisbiga midigta fog ee Denmark ayaa hore kitaabka Qur’aanka ugu gubay banaanka safaaradda Turkiga ee Stockholm.

Ninkan ayaa sidoo kale isku dayay inuu UK yimaado si uu isla falkaas ugu celiyo. Wuxuu doonayay inuu tago Yorkshire balse dowladda UK ayaa u diiday inuu dalkeeda yimaado. 

Post a Comment

0 Comments