Waxaa xalay magaalada Muqdisho lagu qabtay xuska sannad-guurada 63-aad oo ku aaddan markii ay gobollada Koonfureed xorriyadda ka qaateen gumeystihii Talyaaniga iyo midowgii gobollada Waqooyi iyo Koonfur ee Soomaaliya ee Kowdii July 1960-kii, markaas oo ay dhalatay Jamhuuriyadda Soomaaliya.
Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo ka qeybgalay munaasabaddan ayaa cutubyo ka tirsan ciidamada Xoogga dalka kala ka qaatay salaan, wax yar ka hor xilliga calan-saarka.
Magaalooyin badan oo ka tirsan waddanka ayaa lagu qabtay debbaaldegyo lagu weyneynayo xuka Kowda Luuliyo.
0 Comments