Ticker

6/recent/ticker-posts

Al-Shabaab oo weerar ku qaaday Dayniile

 


Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya khasaaraha ka dhashay weerar iyo dagaal toos ah oo xalay Al-Shabaab ay kusoo qaaday qaybo kamid ah degmada Dayniile ee gobolka Banaadir, kaas oo geystay khasaare dhimasho iyo dhaawac.

Ilo wareedyo lagu kalsoon yahay Caasimada Online u sheegay in ragga dagaalka soo qaaday oo aad u hubeysnaa ay wateen gaari Hoomey ah, isla-markaana ay beegsadeen bar koontarool oo ku taalla waaxda Barwaaqo, gaar ahaan xaafada Tiida, halkaas oo ay ku sugnaayeen ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka ee maamulka degmadaasi.

Sidoo kale qaar kamid ah dadka deegaanka ayaa inoo sheegay in dagaalka oo socday muddo kooban la’isku adeegsaday hubka culus, taas oo cabsi xoogan ku abuurtay.

Ugu yaraan 5 askari ayaa laga dilay ciidanka ku sugnaa goobta iyo qof shacab ah, ayada oo xubnaha weerarka soo qaaday ay muddo kooban la wareegeen meesha lagu dagaalamay.

Wararka ayaa intaasi ku daraya in xubnaha weerarka soo qaaday ay horay usii qaateen hubka shanta askari ee lagu dilay goobta, sida ay innoo xaqiijiyeen ilo wareedyo xilkas ah.

Xaaladda ayaa haatan ah mid deggan, inkastoo ciidanka ammaanka ay dhaq-dhaqaaqyo ka bilaabeen degmada Dayniile iyo deegaanada kale ee u dhow ee gobollada Shabeelooyinka.

Dhanka kale, ma jiro wax hadal ah oo kasoo baxay saraakiisha laamaha ammaanka iyo mas’uuliyiinta maamulka degmada oo ku aadan dagaalkaas iyo weerarka ka horreeyay.

Waa weerarkii labaad oo saacado gudahood ay kooxda ka fulineyso gudaha caasimada, waxaana u dambeeyay qarixii is-miidaaminta ahaa ee lagu  Cabdikariin Macalin Axmed (Afarsheegle) oo ahaa guddoomiye ku xigeenkii maamulka iyo maaliyadda ee degmada Marka.

Qaraxaan ayaa salaadii Makhrib ka dhacay xaafadda Shiirkole ee degmada Hodan, waxaana la beegsaday masuulkaas kaliya, kadib markii uu isku qarxiyay  Nin haligay naftiisa oo soo xirtay Jaakadda Qaraxda.

Si kastaba, Al-Shabaab ayaa u muuqata inay culeys soo saartay caasimada, kadib markii ay istaageen inta badan howlgalladii xooganaa ee ka socday gobollada dalka.

Post a Comment

0 Comments