Ticker

6/recent/ticker-posts

La-taliyaha madaxweyne Xasan Sheekh oo soo jeediyey nooc doorasho oo cusub

 


Dr. Cabdiraxmaan Cabdullaahi Baadiyow oo ah La-taliyaha Arrimaha Dastuurka ee Madaxweynaha Soomaaliya ayaa soo jeediyay talo ku aadan sidii looga bixi lahaa nidaamlka 4.5 oo 25-kii sano ee la soo dhaafay qal-qal galiyay Ummadda Soomaaliyeed.

Baadiyow ayaa sheegay in muhiim ay tahay in Soomaaliya laga hirgeliyaa nidaamka ku haboon ee doorasho qof iyo cod ah (1Q1C).

“Waa inuu noqdaa mid heshiis lagu yahay oo daahfuran. Haddii la isku dayo in la sameeyo dimoqaraadiyad muqaal been ah leh, natiijadeedu waa fashil iyo cawaaqib xumo. Casharkaas waa kii 1969 iyo 1991,” ayuu yiri Dr. Cabdiraxmaan Cabdullaahi.

Sidoo kale wuxuu intaas ku daray in boob doorasho horay loo soo arkay, islamarkaana laga dhaxlay burbur iyo dagaal sokeeye.

“1/2/1969 waxaa la boobay doorashadii, waxaa loo bixiyay “Vote-khasaare”. Waxaa ka dhashay dilkii madaxweyne Cabdirashid iyo inqilaabkii ciidanka. Markii la caburiyay dimoqaraadiyadda oo doorasho hal xisbi ah la sameeyay, dalka waxaa ka dhacay dagaal sokeeye, qarankii waa la dumiyay 1991,” ayuu mar kale yiri Dr. Cabdiraxmaan Baadiyow.

Sidoo kale waxa uu sheegay in Dimoqaraadiyad been ah oo boob ku dhisan iyo caburinta dimoqaraadiyadda, ay isticmaaleen madaxdii markaas dalka ka talinaysay.

Waxaan xasuusinayaa madaxda maanta inay casharkaas si fiican uga faa’idaystaan oo aynaan noqon ma gudbayaal. Xalku waa doorasho qof iyo cod ah oo sax loo maamulo!

Dr. Cabdiraxmaan Cabdullaahi Baadiyow oo ah La-taliyaha Arrimaha Dastuurka ee Madaxweynaha Soomaaliya ayaa ka mid ah qabiirada Soomaaliya xiligaan jooga, waxa uuna marar badan ku baaqay in laga gudbo oo la daaweeyo Kansarka Soomaaliya ku dhacay oo ah qabyaalad iyo waxa loogu yeero 4.5 oo uu sheegay in ay ku adeegtaan siyaasiyiinta xiligaan joogta dalka.

Post a Comment

0 Comments